Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska oo Qarax lala beegsaday

Warar dheraad ah ayaa kasoo baxaya Qaraxa Xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, kaasi oo lala beegsaday Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Qaraxa oo jugtiisa si weyn looga maqlay qaar ka mid ah xaafadaha iyo degmooyinka Caasimadda, ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeysa Albaraka iyo Warshadda Caanaha ee degmada Hodan,waxaana  lahelayaa faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan qaraxa.

Qaraxa ayaa lala beegsaday Gaashanle sare Maxamed Daahir, oo marayay sida la sheegay halka uu qaraxu ka dhacay, inkastoo uu ka badbaaday qaraxaasi lala damacsanaa Gaashaanlaha.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa gaatray Ciidanka ammaanka Dwoladda Soomaaliya,kuwaasi oo sameeyay Howgallo ballaaran oo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeyay Qaraxaasi lala damacsanaa Gashaanle Maxamed Daahir.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor