Saraakiishii Shalay la laayay oo Saaka la aasayo iyo wararkii ugu dambeeyay 

Degmada Balamballe ee Gobolka Galgaduud ayaa saaka lagu aasayaa Saraakiil ka tirsanaa Ciidanka Xoogga oo shalay malleyshiyaad Hybeysan ay ku laayeen weerar Dhabba gal ahaa, waxaana lagu wadaa in Saraakiishaasi goor dhawow la aaso.

Saraakiisha oo ka tirsanaa Qaybta 21aad ee ciidanka xoogga ayaa shalay lagu laayay Weerar dhabba gal ah xili ay ka amba-bexeen Magaalada Guriceel, iyagoo kusii jeeday Degmada Balamballe ee Gobolka Galgaduud.

Lix Sarkaal ayaa lagu aasayaa Balamballe, kuwaasi oo meydadkooda laga dajiyay Degmadaasi, waxaana ay kala yihiin Saraakiisha la laayay:

1- laba_Xidigle Faarax Jaamac Colaad

2- Kabtan_Shariif Cirro Maxamed

3- Gaashaanle Gaangul Xalane

4- Kabtan  Xassan Faleey

5- Gaashaanle  Dhagaqool Yuusuf

6- Gaashaanle Cabdi Guuna Guune.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in la helay mid ka mid ah Saraakiisha la wweraray oo dhaawac ah, kaasi oo xalay laga helay aaggii lagu rasaaseeyay isagoo dhaawac, waxaana Sarkaalka la helay lagu magacaabaa Suldaan Dirir Aadan Gaas, kaasi oo hadda xaladdiisa Caafimaad lagu dabiibayo Magaalada Guriceel ee Gobolkaasi Galgaduud.

Dhanka kale waxaa jira Saraakiil kale oo ilaa hadda la la’yahay raq iyo ruux toono, kuwaasi oo Magacyadooda lagu kala sheegay Cayroow Warsame Xassan iyo Qalbi Indha taag.

Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay weerarka, waxaana war qoraal ah oo la soo dhigay barta facebook-ga ee Wasaaradda amniga gudaha Galmudug  lagu yiri “Ciidamada amaanka Galmudug hawlgal baahsan oo ay ka wadaan deegaankii faldanbiyeedkaas foosha xun uu ka dhacay, waxay ku guulaysteen in ay soo badbaadiyaan saraakiishii la weeraray qeyb ka mid ah ayagoo ku raadjooga kooxihii dilkaas geystay si cadaaladda loo horkeeno.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media