Saraakiisha NISA oo sheegay in ay  howgal ku qabteen xubno ka tirsan  Al-Shabaab

Ciidamadda amaanka gaar ahaan Ciidanka Hubaysan ee NISA (Duufaan) ayaa howlgal balaaran xalay ka fuliyay Degmooyinka Hawlwadaag, Yaaqshid iyo Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Saraakiisha horkacaysay  Ciidanka Hawlgalka sameeyay ayaa sheegay in ay soo qabteen saddex ka mid ah dagaalamaayasha Al-shabaab oo deegaanka Ceelasha Biyaha ku dhuumaalaysanayey,waa sida ay hadalka u dhigeene.

Maalmihii lasoo dhaafay qaybaha kala duwan ee Ciidanka Dowladda ayaa sameeynayay Howlgallo ballaaran oo ay ka sameynayeen xaafadaha iyo degmooyinka Muqdisho,waxaana inta badan ay gacanta kusoo dhigeen burcad hubeysan iyo xubno kale oo als heegay in ay Al-Shabaab ka tirsan yihiin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor