Saraakiisha Gorgor oo sheegay in degaanno hor leh ay Al-Shabaab ka qabsadeen

Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada GORGOR ayaa sheegay in Al-Shabaab ay kala wareegeen degaanno hoos yimaada degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka ayaa u jiheystay deegaannada Shaamgare, Mubarak iyo Jowhar yarey halkaasi oo meelo ka mid ah ay ciidanku iska caabin kala kulmeen  Al-Shabaab.

Waxaa ay sheegeen in weerarkaasi ay ku dileen  5 dagaalaame oo ka tirasan Al-Shabaab. Kuwaasi sida ay hadalka u dhigeen ay ku dileen degaanka Shaamgare, halka 7 kale la gaarsiiyay dhaawacyo sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen Saraakiisha Tagtay jiida hore ee Dagaalka.

Taliyaha Guutada GORGOR Coll Dayax Cabdi Cabdulle ayaa warbaahinta u sheegay inay ciidanku kaabiga ku hayaan degaanno kale oo Al-Shabaab ay gacanta ku hayaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor