Saraakiisha Dowladda oo soo Bandhigay Sarkaal kasoo goostay Al-shabaab

Taliska Ciidamada Xoogga dalka qeybta 60-aad ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ee Caasimadda kumeerka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed kusoo Bandhigay Sarkaal ay sheegeen inuu kasoo goostay Al-shabaab.

Sarkaalka ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Idiris Cabdullaahi Macalin oo loo yaqaano Food Cadde, kaasi oo Saraakiisha Ciidanka qeybta 60-aad ay sheegeen inuu Al-shabaab ka tirsanaa muddo 7-sano.

Idiris Cabdullahi ayaa la xusay in Al-shabaab uu qaabilsanaa Ilaalinta Xabsiyada, isaga oo kasoo qeyb qaatey Dagaalo dhowr oo dhacay, isla markaana waxaa uu kaga soo goostey degmada Xarardheer oo ka tirsan Gobolka Mudug .

Wareysi ay la yeesheen Idiris Cabdullahi Macalin ayuu Saraakiisha Ciidanka qeybta 60-aad uga warramay qaabka ay suura gashey ka soo bixista dagaalamayaasha Al-shabab iyo isku soo dhiibista Ciidanka Dowladda.

Si kastaba Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey sidaan oo kale u soo bandhigay Saraakiil iyo dagaalyahano ay sheegeen inay kasoo goosteen dagaalamayaasha Al-shabaab, halka dhankooda ay Shabaab soo bandhigeen Askar ka goosatay dowladda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor