Saraakiisha DF oo sheegay inay isku soo dhiibeen xubno ka tirsan Al-shabaab

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan guutada Uururka 14-aad ee guutada 14-ka Oktoober ee ku sugan Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in xubno ka tirsan Al-shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada.

Laba xubnood oo isku soo dhiibay Ciidanka dowladda ayaa magacyadooda ku kala sheegay Isaaq Cumar Ibraahim, iyo Qaasim Cabdulaahi Cali, iyagoona tilmaamay inay u qaabilsanaayeen dhinaca amniyaadka ee fuliya dilalka qorsheysan.

Sidoo kale labada Nin ayaa xusay inay Go’aan ku gaareen ka bixista Al-shabaab, isla markaana kasoo tegay deegaankii ay ka howlgalayeen, kadibna ay xiriir lasoo sameeyeen Saraakiisha Ciidanka, sidaasina isku dhiibeen

Taliyaha Ururka 14-aad guutada 14-ka Oktoober ee Ciidanka Xoogga dalka Gaashaanle Cabduqaadir Maxamed Muunye oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in labada xubin ee Al-shabaab kasoo baxsaday uga hortageen degaanka shalaanbood, ayna halkaas kasoo wadeen.

Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa horey isugu dhiibay xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab, isla markaana soo bandhigay xubnaha qaarkood, weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab oo ku aadan Saraakiisha la sheegay inay ka tirsanaayeen ee isku dhiibay Ciidanka dowladda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor