Saraakiisha DF oo sheegay inay howlgal ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab

Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka ee DANAB ayaa howlgal la sheegay in lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-shabaab iyo dagaalyahano la socday ka fuliyay deegaan ka tirsan Gobolka Shbaeellaha Dhexe.

Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka ayaa sheegay in howlgalkaas uu sigaar ah uga dhacay deegaanka gamboole ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo la tilmaamay inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

“Ciidanka kumaandooska ayaa dilay Sarkaakiil Al-shabaab u qaabilsanaa qeybta Maktabka dacwada Shabeellaha Dhexe kaasi oo ay magacaabiisa ku sheegeen Shiikh Maxamed Suleeymaan (Gacmeey iyo xubno la socday”ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Ciidanka oo la hadlay warbaahinta dowladda.

Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka ee DANAB ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgal lagu dilay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa dhankooda weeraro kala duwan xiliyada habeenkii ah ku qaada Saldhiyo Ciidamadan dowladda iyo kuwa AMSIOM ay ku leeyihiin Gobolada dalka, waxaana weerarada qaarkood ka dhasha khasaaro kala duwan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media