Saraakiisha Ciidanka xoogga oo sheegay inay dileen xubo ka tirsan Al-shabaab

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed oo howl-gallo ka dhan Al-shabaab ka sameeyay degaanka Raydab oo qiyaastii 40-Km dhanka Waqooyi kaga beegan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Taliyaha Ururka 49-aad, Guutada 10-aad, qeybtiisa 43-aad ee Ciidanka XDS Dhamme, Cali Maxamed Xasan, ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay in ay howl-galka ku dileen xubno badan oo ka mid ahaa Al-Shabaab, kuwo kalena ay nolol ku soo qabteen.

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuw Daraawiishta Jubbaland ayaa deegaano ka tirsan Gobolka Gedo waxaa ay ka wadaan howlgalo ka dhan Al-shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media