Saraakiisha Afgembiga ku qabsaday Myanmar oo qabanaya doorasho

Hogaamiyaha maamulka militariga ee dalka Myanmar ayaa carabka ku adkeeyay ballanqaad ah in ay qaban doonaan doorasho ka dib afgembigii dalkasi ka dhacay bishii February.

Janaraal Min Aung Hlaing ayaa ka hadlayay goob ay militariga ugu dabaaldagayeen maalinta ciidanka dalkaasi. Xafladda dabaaldaga ayaa waxay ka dhacday caasimada Myanmar ee, Naypyidaw.

Waxaa uu intaa ku daray in ficilada lagula kacay dibadbaxayaasha ay ahaayeen kuwa aan habooneyn.

Hasa yeeshee dadka ka soo horjeeda afgembiga oo ku baaqay dibadbaxyo waawayn ayaa waxaa ay militariga ugu hanjabeen in gacan bir ah lagu qaban doono.

Janaraalka hogaamiya maamulka militariga Mayanmar ayaa dhanka kale waxaa uu goobtii xuska lagu qabanayay uu ku soo dhaweeyay ciidmo Ruush ah , isaga oo Ruushka ku tilmaamay saaxibka dhabta ah ee Myanmar.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor