Saraakiil uu ka mid yahay Jeneraal Gabre oo amar lagu bixiyay in la soo xiro

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in booliska Federaalka ee waddankaas ay waaran soo qabasho ah u jareen 76 sarkaal oo ka tirsan milateriga, kuwaas oo loo haysto khiyaano qaran.

Saraakiishan oo darajooyin kala duwan leh ayaa u badan qowmiyadda Tigray, waxaana ka mid ah Jen Gabre oo si weyn looga yaqaan Soomaaliya.

Dhanka kale, xukuumadda Itoobiya ayaa beenisay inay beegsanayso dadka rayidka ah ee deegaanka Tigray, xilli uu meel adag marayo dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa TPLF.

Waxaa aad u adag in xog sax ah laga helo goobaha uu dagaalka ka socdo maadaama khadadka isgaarsiinta ay wali go’an yihiin.

Hogaanka Tigray ayaa sheegay inay iska caabiyeen duulaanka, waxaana ay xukuumadda Addis Ababa ku eedeeyeen inay beegsanayso dadka rayidka ah.

Weli waxaa socda qulqulka qaxootiga ka cararaya colaadda Tigray ee gaaraya Sudan oo daris la ah dalka Itoobiya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media