Saraakiil ka tirsan QM oo lala beegsaday Qaraxii Muqdisho iyo khasaaro ka dhashay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo barqdii Maanta ka dhacay wadada aada dhinaca Afisyooni ee 21 Octoober ee degmada Waaberi, Gobolka Banaadir, kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Muqdisho.

Qaraxaas oo ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa waxaa lala eegtay kolonyo ay wateen Saraakiil ka tirsan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaana la qarxiyey, xili ay marayeen wadada Jaayga.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa oo soo gaaray Ciidamo farabadan oo ilaalo u ahaa shaqaalaha UN-ka iyo dad shacab ah oo xiliga uu qaraxu dhacaayay wadada marayey, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Warar hordhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen 5 ruux oo isugu jira Askar iyo dad shacab ah, halka tirro kalena ay dhaawacyo soo gaareen, waxaana dadka dhaawacmay oo u badnaa Askar loola cararay Xarumo Caafimaad.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa isku gadaamay aaga uu qaraxu ka dhacay, isla markaana  xiray wadada, iyagoona u diidaya inay halkaas maraan gaadiidka dadweynaha iyo dadka shacab ah, waxaana ka socda gurmad.

Laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin qaraxaas Is-miidaaminta ahaa ee lala beegsaday kolonyo ay wateen Saraakiil ka tirsan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor