Saraakiil ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa Booliska ayaa Maanta booqday hoolka loo asteeyay in lagu qabto doorashada Xilhdibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Magaalada Kismaayo.
Kormeerka Saraakiisha Ciidamada Booliska ee AMISOM ayaa waxaa uu ahaa mid qiimeyn iyo indho-indheyn ay ugu sameynayeen goobta loo asteeyay in Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ku doortan Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka.
Saraakiisha ayaa warbixinno ka dhagaystay Guddoomiyaha guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT ee Jubbaland iyo guddoomiyaha guddiga Baarlamaanka Jubbaland u qaabilsan doorashada.
Guddiga dooraahada heer dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa dhawaan sheegay in doorashada Xubnaha Aqalka sare ku qabanayaan waqtigii loo qorsheeyay oo aheyd 25-ka bishan oo maalinta berri ku beegan, isla markaana ay u diyaar u yihiin qabashada doorashada.
Ammaanka Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG-ka ah ee Maamulka Jubbaland ayaa siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa gudaha Magaalada laga dareemayaa qaban-qaabada doorashada Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.