Saraakiil iyo mas’uuliyiin kale oo gaaray Degmada Qandala ee Gobolka Bari

Taliyaha Qeybta Booliska gobalka bari G/sare C/qaadir Jaamac Dirir oo safar shaqo ujoogey Degmada qandala ee gobalka Bari oo ay qeyb ka ahayeen xeer ilaaliyaha Maxkamada qalabka sida ee 5 gobal iyo Sarakiiil iskugu jira Darawiishta iyo PMPF iyo Booliska ayaa saaka gaaray degmada Qanadala.

Mas’uuliyiinta oo saaka subaxdii hore Booqosho ku tagey Xarunta ku taala ciidanka PMPF ee Degmada Qandala ayaa u kuurgalay xaaladaha guud ee dagmada.

Si gaar ah Safarka Taliyaha iyo xubnaha kale ayaa daarna kormeerka xaalada amni ee degmada qandala,

Taliyaha Ayaa Ku dhirigaliyey Dhamaan sarakiisha iyo ciidanka PMPF Shaqada wanagsan Ay uhayaan Bulshada wuxuuna kula dardaarmey in xoojiyan lashaqeynta Bulshada Degmada qandala.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor