Saldhig cusub oo lagu wareejiyay Ciidamada isku dhafka ah ee ku sugan Gaalkacyo

Maamulka Dowladda Hoose Ee Gaalkcyo Galmudug Ayaa Maanta Ciidanka Boliska Isku dhafka Gaalkcyo ku Wareejiyey Saldhig Cusub iyo Gaari loogu talagey in ay Ciidanku ku shaqeeyaan.

Waxaana Hirgalinta Xaruntaan Boolis ka shaqeeyey Maamulka Degmada Gaalkcyo Galmudug,si ay qeyb lixaad leh uga qaadato amniga magaalada gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Duqa Degmada Gaalkcyo Xirsi Yusuf barre iyo Ku xigeenkiisa Cabdirahmaan Mohamed Ahmed ayaa joobjooge ka ahaa Munaasabada Xarig jirka Saldhiga Boliska Iyo Wareejinta Gaarigaan.

Taliye ku Xigeenka Ciidanka Boliska Isku dhafka Ali diini iyo Taliye Ku Xigeenka Boliska Galmudug Mohamed nuur,Ayaa Maamulka Degmada Gaalkcyo Galmudug oga Mahad-celiyey Hirgalinta Xaruntaan Boolis.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media