Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo ka warbixiyay xiriirka u dhexeeya Labada dal

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay taariikhda lixdan jirsatay ee ka dhexeysa Soomaaliya iyo Shiinaha.

Sanadkaan waxaan u dabaal dagaynaa lixdan guurada dib u Aas-aasidda xariirka Diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Shiinaha iyo Soomaaliya, sidaad ka war hayso Soomaaliya iyo Shiinaha waxaa ay wadaagayeen waqti dheer xariir saaxiibtimo oo qota dheer, Soomaaliya waxaa ay saaxiib wadaag wanagsan la tahay Shiinaha, waxaa jirta maahmaah Shiinees oo dhahaysa saaxiibada wanaagsani waa isku dareen ankee hadii ay kala fogyihiin. Labada dal juqraafi ahaan waa kala fogyihiin balse waxaa ka dhaxeeya runtii xiriir soo jireen ah, Soomaaliya waa saaxiib wanaagsan, sidaas daraadeed Shiinuhu waxaa uu ka haystaa aragti wanagsan.

Xariirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Shiinaha iyo Soomaaliya waxa uu jiray lix boqol oo sano ka hor waxaa uu soo bilawday kadib markii badmaax Shiineys ah oo lagu magacaabo (Mr Jan quuw) uu soo socdaalay inuu booqasho ku yimaado Soomaaliya dhowr jeer sababa ganacsi awgeed.

(Mr Janquuw) iyo saaxiibaddii waxaa ay ku soo celiyeen Shiinaha farriin ay kaga keeneen Soomaaliya, gaar ahaan waxaa ay xariir saaxiibtinimo kaga keenen Shiinaha Soomaaliya. (M Janquuiyo) sido kale waxaa ay Soomaaliya dib ugu soo celiyeen xariir saaxiibtinimo wanaagsan oo ka timid Shiinaha, arrintii ugu muhiimsaneyd waxaa ay ahayd cilaaqaadka saaxiibtimo ee ay yeelanayaan dadka labadda waddan ee Shiinaha iyo Soomaaliya oo ka dhalatay kala war-qaadashadii hore.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media