Safiirka Midowga Yurub ee Somalia oo Warqadaha aqoonsiga laga guddoomay

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda xilgaarsiinta Balal Maxamed Cusmaan, ayaa kaga guddoomay Caasimadda Muqdisho, nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiiradda Midowga Yurub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo  Tiina Intelmann.

Balal Cusmaan ayaa tilmaamay heerka wanaagsan ee xiriirka Soomaaliya iyo Yurub, isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta wax wadaagga istiraatiijiyadeed ee ay la leedahay Midowga Yurub.

Wuxuu kaloo xusay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda xilgaarsiinta, baahida loo qabo in la kordhiyo xaddiga gargaarka iyo mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya, lana ballaariyo iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa caddeeyay in Wasaaraddiisu ay diyaar u tahay in ay u fududeyso wixii tas-hiilaad ah Danjire Tiina Intelmann si ay uga soo dhalaasho howsha loo igmaday si guul leh oo la mahdiyo.

Danjire Tiina Intelmann ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay in ay Midowga Yurub u matasho Soomaaliya oo ah dal qurux badan, dadkiisuna yihiin kuwa leh himillo sare, iyada oo ku nuuxnuuxsatay sida ay uga go’an tahay in ay hore u dhaqaajiso iskaashiga Soomaaliya iyo Yurub,  ayna sii waddo taageeridda dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu saldhigayso amniga, xasiloonida iyo dib-u-heshiisiinta iyo ka hortagga caqabadaha horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor