Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo Maanta Warqadaha aqoonsiga laga guddoomay

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee dowladda Maraykanku u soo magacowday  Soomaaliya Larry André.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga Labada Dowladood ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarinta, iyo diblomaasiyadda.

Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali ayaa Safiirka cusub ee Larry André soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono adkaynta xiriirka diblomaasiyadeed iyo wax-wada-qabsiga ka dhexeeya Labada Dowladood.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa Danjiraha Cusub ee Dowladda Maraykanka ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, wuxuu na u sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku garab istaageyso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.

Safiirka Cusub ee dowladda Mareykanku u soo magacaawday Soomaaliya Larry André ayaa maalmo kahor soo gaaray Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, isagoona bedelaya Safiirkii hore ee Mareykanka Donald Yamamoto.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor