Safiirka Dowladda Somalia ee Belgium oo Warqadihiisa aqoonsiga laga guddoomay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Boqortooyada Biljimka iyo Midowga Yurub, Yoonis Yaasiin Xaashi (Ooga-Cadde), ayaa nuqul ka mid ah warqadihiisa aqoonsiga danjirannimo ku wareejiyay Agaasimaha Habmaamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Biljam, Danjire Olivier Belle.

Agaasimaha Habmaamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Biljimka ayaa u rajeeyay safiirka cusub ee Soomaaliya inuu si joogta ah ugu guuleysto waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday.

Agaasimaha Habmaamuuska ayaa waxaa uu balan qaaday inuu siinayo dowladda Federaalka Soomaaliya dhammaan taageerada, si sare loogu qaado xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal .

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Boqortooyada Biljimka iyo Midowga Yurub, Yoonis Yaasiin Xaashi (Ooga-Cadde), ayaa ka mahadceliyay sida diiran ee loo soo dhoweeyay,wuxuuna caddeeyay  in si hufnaan ah uu uga shaqeyn doono iskaashiga labada dal.

Kulanka wareejinta nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga oo ka dhacay Caasimadda Brussels ,waxa uu qeyb ka ahaa munaasabad gogol-xaarka oo la doonayo in Boqorka Biljim, Boqor Philippe si rasmi ah loogu wareejiyo dukumiintigaasi oo dhameystiran.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor