Saddexda qof ee Muslimiinta Madow ee UK ee tusaalaha u ah Guusha.

Bisha October ayaa lagu tilmaamay Bisha lagu xusuusto Muslimiinta Madowga ee haysta Dhalashadda Britan.

Wargeyska OnIslam ayaa qoray inay saddexda qof ee Britishka Madow ee Muslimiinta ee Taariikhda xusayso ay u wada dhasheen dalka Somalia, waxayna kala yihiin:

  1. Orodyahanka Mo Farah
  2. Qoraa Sheekooyinka Nadifa Mohamed
  3. Saxafi/Qoraa Raage Omaar.

Saddexdaasi qof ayaa waxay isbedel ku sameeyeen Taariikhda cusub ee dalka Britain.

1- Mo Farah, Orodyahanka Fogaanta Dheer

Waxa uu ku dhashay caasimadda dalka Somalia ee Mogadishu sannadkii 1983-kii.

Magaciisa dhabta ah waa Mohamed Mukhtaar Jama Farah, waxa uu noqday Orod-yahanka ugu weyn dalka Britain ee Masaafadda Dheer (UK’s greatest distance runner).

Orod-yahanka waxa uu haystaa Horyaalnimadda dalalka Europe ee Orodka 1.500 meter, 10,000 meter Orodka Marathonka barkiisa iyo kan laba mayl.

Waxa kaloo uu haystaa Diiwaan-gelinta Orodka Britain ee 5,000 oo meter iyo 3,000 meter.

Mo Farah waxa uu Billado Dahab ka helay Orodkii 5.000 m iyo 10,000 m ee Tartankii Olombikadda ee sannadkii 2012-ka iyo Horyaalka Orodka Caalamka ee sannadkan 2015-ka.

Halyeey Mo Farah waxa kaloo uu ku guuleystay 5 Billadaha Dahabka ee Horyaalnimadda Orodka ee Qaatadda Europe.

Waxa kaloo uu noqday Orod-yahanka Europe ee sannadihii 2011-kii iyo 2012-kii.

Ururka Qorayaasha Ciyaaraha Fudud ee Britan waxay    Mo Farah u aqoonsadeen Orod-yahanka British ee sannadka.

2- Qoraa Sheekooyinka  Nadifa Mohamed

Nadifa Mohamed oo ah Qoraa Somali-British waxay dhowr jeer ku guuleysatay Anbaalmarin Qoraanimadda Sheekooyinka (Novel).

Buugeeda ugu horreeyey oo la magac baxay “Black Mamba Boy”  waxaa la daabacay sannadkii 2009-kii.

Buugaasi waxay kusoo bandhigtay Taariikh-nololeedka nolosha Aabaheeda oo ku noolaa dalka Yemen muddaii u dhexeysay sannadihii 1930-aadkii iyo 1940-aadkii ee xilligii Gumeystayaasha.

Buugaasi inkastoo aad loo naqdiyey, haddana waxay ku muteysatay Abaalmaarinadda kala ah:

  • The 2010 Betty Trask Award,
  • The 2010 GuardianFirst Book Award,
  • The 2010 Dylan Thomas Prize,
  • The 2010 John Llewellyn Rhys Prize.

Sannadkii 2013-kii, waxay soo saartay Buugeeda Labaad ee Sheekadda “The Second Novel, oo loogu mgagac daray “The Orchard of Lost Souls”.

Buugaasi ayaa waxa uu ku saabsanaa Dagaalladdii Rayidka ee Somalia.

Nadifa Mohamed waxay Buugaasi ku muteysatay dhawaan Abaalmarinta “T he Somerset Maugham prize” iyo Abaalmarinta kale ee ay muddada dheer sugaysay ee “The Dylan Thomas prize

2- Raage Oomaar, Saxafi

Raage Oomaar waa Saxafi  iyo Qoraa Somali-British, wuxuuna mihnadda Suxufinimadda ka bilaabay War-dire (Reporters) BBC-da uga soo hadli jirey dalka Ethiopia, kadibna waxa uu noqday Wakiil-wareedka BBC-da uga soo warama dalka Iraq.

Bishii September ee sannadkii2006-dii, Raage Oomaae waxa uu u soo wareego oo uu xil cusub ka helay Tv-ga Aljazeera English, oo uu ka noqday Barnaamij-soo-jeediyaha Barnaamijka Toddibaadlaha ee “Witness”.

Waxa uu Barnaamijkaasi waday tan iyo bishii January ee sannadkii 2010-kii.

Warbixinta “The Rageh Omaar Report” waxa markii ugu horreysay hawada la geliyey bishii February ee sannadkii 2010-kii, waxa uu ahaa Barnaamij  Dukumenteri bile ah “Monthly investigative documentary “, kaasi oo uu inta badan  ku soo qaadan jirey Dabalgalka Dhacdooyinka Calaamiga ee xilligaas taagan.

Laga bilaabo bishii January ee sannadkii 2013-kii, Raage Oomaar waxa uu noqday  Wakiil-wareed Khaas iyo Tebiye u shaqeeya Telefishinka ITV NEWS.

Waxaa soo tebin jirey Wararka muhiimka ee guud ahaan dalka Britain.

Sannad kadib, waxa uu Raage Oomaar noqday Tifaftiraha Arrimaha Calaamiga ee Telefishinka ITV News.

Dhinaca kale, Raage Oomaar oo ah Qoraa, waxa Buuggiisa ugu dambeeyey uu ugu magac daray “Only Half of Me”.

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

Xigasho: onislam.net

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor