Sacuudiga oo iska fogeeyay isku day Afgembi oo lala damacsanaa boqortooyo  

Saraakiisha dalka Sacuudiga ayaa gabi ahaanba gaashaanka u daruuray warar sheegayay in ay ku door ku leeyihiin isku day afgembi oo la sheegay in uu ka dhan ahaa boqortooyada Urdun.

Sabtidii dhaxal sugihii hore ee Urdun Xamzah ayaa xabsi guri laga dhigay waxaana lagu eedeeyay in uu minja-xaabinayo amniga qaranka.

Arrintan ayaa timid ka dib markii uu Xamza ka qeyb galay kulan ay lahaayen mid ka mid ah beelaha daga Urudun kaasi oo si cad loogu cambaareeyay boqor Cabdalla.

Xamzah ayaa ka dib soo saaray 2 muuqaal oo uu BBC la wadaagay isaga oo dowladda dalkiisa ku eedeeyay musuqmaasuq iyo waxqabad la’aan.

Waxaa muuqaaladaasi ku sheegay in dadka ay ka baqayaan inay arrintan ka hadlaan iyaga ka baqaya in ay dhibaateeyaan ciidamada ammaanka. Tan iyo wixii ka dambeeyay muuqaalka uu soo saaray xaaladda ayaa la dajiyay ka dib dhexdhexaadin uu gar wadeen ka ahaa boqorka adeerkii.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor