Sacuudiga iyo Imaaraadka oo u yeeray Safiiradooda Lubnaan

Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa Arbacadii u yeeray safiirada Lubnaan u jooga dalalkaas kadib hadal uu wasiirka warfaafinta dalkaas George Kordahi ku cambaareeyey howlgalka militari ee Riyadh ay hogaamineyso ee ka dhanka ah mucaaradka Yemen.

Kordahi ayaa wareysi uu bixiyey Isniintii ku sheegay in Xuutiyiinta ay Iran taageerto “ay naftooda ka difaacayaan gardarro uga timid dibedda,” isaga oo intaas ku daray in ay xulufada Sacuudiga ay duqeeyaan “guryo, xaafado, tacsiyo iyo xaflado aroos.”

Waxa uu sidoo kale dagaalka Yemen ee socda toddobada sano ugu yeeray “macno darro”, isaga oo sheegay “in la joogo waqtigii la dhammeyn lahaa.”

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sacuudiga ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay safiirka Lubnaan u dhiibtay qoraal ay uga ashtakooneyso hadallada “gefka ah” ee Kordahi.

Waxa ay sidoo kale inay ka xun tahay muujisay hadallada “aflagaadada ah,” ayada oo sheegtay inay ahaayeen “kuwa si cad ugu janjeera dhanka kooxda argagixisada ah ee Xuutiyiinta ee halista ku ah xasilloonida iyo amniga gobolka.”

Waxyar kadib ayaa Imaaraadka Carabta oo xubin ka ah isbaheysiga Sacuudiga ee Yemen waxay cambaareysay hadalka Kordahi, ayada oo sheegtay inay u yeertay safiirka Lubnaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor