Saan-saan dagaal oo laga dareemayo Gobolka Galgaduud iyo cabsi soo foodsaartay dadka degaanka

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in Saaka halkaasi ay ka taagan tahay xaalad kacsanaaan ah, iyadoo dadka degaanku ay soo sheegayaan saan-saan colaadeed.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in degaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolkaasi Galgaduud ay xalay saqdhexe gaareen Ciidamo farabadan oo ka socda dhanka Dowladda Federaalka, kuwaasi oo dadka degaanku ay sheegeen in ay cabsi soo food-saartay.

Ciidamada ayaa si gaar ah looga dejiyay Deegaanka Ceel-dheere oo Magaalada Dhusamareeb 28km Koofur ka xiga una dhexeeya Dhusamareb iyo Guri-ceel, waxaana wararku intaas ku darayaan in xaalad kacanaan ah laga dareemayo gobolka.

Sidoo kale warar aan helnay ayaa sheegeya in dadka degaanku ay ka baxeen Magaalooyinka qaar, waxaana lasoo sheegayaa in degmada Guri-ceel ee Gobolkaasi Galgaduud ay dadka degaanka qaarkood ay ka baxeen, kadib cabsi ay ka qabaan, Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Ahlusunna ay ku dagaalamaan.

Gobolka Galgaduud ayaa waxaa qaybo badan oo ka mid ah gacanta ku dhigay Xoogagga Ahlu-sunna, kuwaasi oo laga cabsi qabo in ay ku dagaalamaan Gobolkaasi galgaduud, waxaana cabsida laga qabo dagaaladaasi ay keentay in uu xilka ka dego wasiirki amniga maamulkaasi Galmudug.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor