RW Rooble “Waxaa waajib nagu ah in aynu ka jawaabno Cabashooyinka doorashada”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay magaalada baydhaba ee xarunta ku meel gaarka ah Dowlad Goboleedka koofur Galbeed kaga qayb galay munaasabad loogu dabbaaldegayo sanad guuradii 3aad ee ka soo wareegtay markii la doortay madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Rooble ayaa waxaa madasha ku weheliyay madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug, iyadoo intii madaxdu hadlayen ay soo hadal qaadeen arrimo taagan oo ku aaddan doorashooyinka dalka iyo caqabadaha guud ee taagan.

Waxaana Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlaayay munaasabadda uu bogaadiyey isku duubnida dadka reer Keenfur-galbeed iyo sida ay ugu mideysan yihiin horumarka iyo wax-wada qabsiga, isaga oo tilmaamay waxqabadka muuqda ee ay ku tallaabsadeen sanadihii la soo dhaafay.

Rooble ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, waxaana uu soo hadal qaaday cabashooyinka laga keenay qaar ka mid ah kuraastii la doortay iyo guud ahaanba hannaanka ay ku socdaan doorashooyinka guud, gaar ahaan tan golaha shacabka oo ah tan ay cabashooyinka badani kasoo yeerayaan.

“waxaan idin xasuusinayaa  Kuwa cabanaya qaarkood  shalay waxa ay Fadhiyeen meesha aad joogtaan  berrina anaga ayaa laga yaaba in aan  joogno meesha ay joogaan, waana waajib inan si laab furnan ah uga jawaabno una xalino dhammaanteen Cabashada laga laga qabo doorashada “ ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble mar uu ka hadlayay caqabadaha iyo cabashooyinka ka taagan doorashada dalka ka socota ee uu mas’uulka ka yahay.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor