RW Rooble oo warbixin ka dhageystay Wasiirka Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, isaga oo u kuurgalay howlaha shaqo ee ka socda labadan hey’adood ee muhiimka u ah Nidaamka Maaliyadda dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Maaliyadda, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Xisaabiyaha Guud kuwaas oo faahfaahin ka siiyay nidaamka Maamulka Maaliyadda dalka.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya oo qoraal soo saaray kulanka iyo kormeerka kadib ayaa sheegay in uu warbixin kasiiyay Ra’iisul Wasaaraha hanaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dadaalada Wasaaradu ay ugu jirto sare u qaadidda Dakhliga gudaha.

“Maanta waxa aan Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ku soo dhaweynay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Mohamed Hussein Roble oo kormeer iyo dhiirigelin inoogu yimid.Waxa aan uga warbixinay hanaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dadaalada Wasaaradu ay ugu jirto sare u qaadidda Dakhliga gudaha” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor