RW Rooble oo war kasoo saaray Xildhibaanada lagu doortay Kismaayo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu hambalyeeyay Guddiga Maamulka Doorashada Dowlad Goboleedka Jubbaland , Guddiga Doorashada Heer Federaal iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) bilaabista doorashada Golaha Shacabka ee maanta ka bilaabatay magaalada Kismaayo isaga oo ku adkeeyay Guddiyada Doorashooyinka in doorashadu ay noqoto mid daahfuran oo waafaqsan habraacyada doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale u hambalyeeyay xildhibaannada maanta la doortay oo uu u rajeeyay in Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda loo igmaday.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor