RW Rooble oo War kasoo saaray soo gudbinta Jubbaland ee Liiska Musharaxiinta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay tallaabadii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe uu kusoo gudbiyay Liiska Musharaxiinta qeyb ka mid ah Kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Qoraal soo saaray ayaa ku boggaadiyay Madaxweyne Axmed Madoobe soo gudbinta Musharaxiinta iyo Guddiga hirgelinta doorashooyinka Jubbaland oo shaaciyay jadwalka doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa sheegay in doorashada ay bilaabatay, wuxuuna dowlad Goboleedyada ee dalka ugu baaqay inay dedejiyaan qabashada doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

“Waxaan madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo Guddiga Doorashada Jubaland ku bogaadinayaa soo gudbinta Liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee BFS iyo shaacinta jadwalka doorashada. Doorashadu way bilaabatay, Dowlad-goboleedyada kalena waxaan ku boorrinayaa in ay dedejiyaan qabashada doorashada” ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Maanta soo gudbiyay Liiska Musharaxiinta qeyb ka mid ah Kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee laga soo dooranayo Jubbaland.

Dhinaca kale Guddiga hirgelinta doorashooyinka Jubbaland ayaa shaaciyay in doorashada Aqalka Sare ay dhaceyso 29-ka bishaan July oo ku beegan khamiista soo socota, sida ku Cad jadwal ay soo saareen Guddiga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor