RW Rooble oo War kasoo saaray Senatorada Maanta lagu doortay Magaalada Kismaayo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay doorashadii Aqalka Sare ee Maanta ka dhacday Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, taas oo lagu dhameystiray kuraasta Aqalka Sare ee Jubbaland.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu hambalyo ugu diray Afarta Senator ee Maanta lagu doortay Magaalada Kismaayo ee kamid noqday Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha, Baarlamaanka Jubbaland iyo guddiyada doorashooyinka in ay soo dhammeystireen doorashadii Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Magaalada Kismaayo ayaa lagu soo gaba-gabeeyay doorashada kuraastii ka harsaneyd dowlad Goboleedka Jubbaland ee Afarta ahaa, waxaana doorashadii dhacday kusoo baxay Senatoradaan Aqalka Sare ee kala ah:

1- Xasan Daahir Yarow

2- Ibraahim Aw-gaab

3- Laylo Nuur Maax

4- Maryan Faarax Kaahiye

Maamulka Jubbaland ayaa noqday maamulka afaraad ee dhameystiray doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana horey u dhameystiray maamulada Puntland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor