RW Rooble oo war kasoo saaray Jadwalka doorashada 9kursi ee Somaliland ku Matalaya BFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa war kasoo saaray Jadwalkii doorashada 9 kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Gobolada waqooyi ee goordhaweyd la shaaciyay.

RW Rooble ayaa soo dhaweeyay shaacinta jadwalka doorashada 9 kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka, waxaan uu ku bogaadiyay sida ay howsha u wadaan guddiyada ka shaqeynaya doorashada.

Ra’iisul Wasaare maxamed Xuseen Rooble oo soo saaray qoraal uu kaga hadlay jadwalka ayaa si gaar ah u bogaadiyay guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed  ee Somaliland.

“Waxaan guddiga doorashooyinka SEIT ee Somaliland uga mahadcelinayaa shaacinta jadwalka doorashada 9 kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka BFS iyagoo horayna u qabtay doorashada 2 xildhibaan.Waxaan ku boorrinayaa dhammaan dowlad-goboleedyada in ay bilaabaan doorashada Golaha Shacabka si doorashada  xildhibaannadu noogu soo idlaato ka hor dhammaadka sanadka.Waxaa naga go’an fududeynta doorasho hufan oo nabdoon, taas oo nooga baahan iskaashi iyo in aan wadajir uga shaqeyno” ayuu yiri RW Roobe.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor