Ra’iisul Wasaare Rooble oo War kasoo saaray Doorashadii Aqalka ee Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay doorashadii Aqalka Sare ee Gobolada waqooyi ee Somaliland ee Maanta ka dhacday Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo qoraal soo saaray ayaa waxaa uu hambalyo ugu diray Lix Senator ee Gobolada Waqooyi ku metalaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka, kuwaasi oo kusoo baxay doorashadii ka dhacday Teendhada Afisyooni.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku boggaadiyay ergada iyo guddiyada maamulka doorashada sida xilkasnimada leh ee ay howsha u maamuleen, isagoona rajeeyay in doorashada ku dhammaato si nabdoon oo hufan.

“Waxaan ammaanayaa ergada iyo guddiyada maamulka doorashada sida xilkasnimada leh ee ay howsha u maamuleen. Waxaan rajeynayaa in doorashadu noogu dhammaato si nabdoon oo hufan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooable.

Doorashadii Maanta ka dhacday Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu doortay lix kursi oo kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland, waxaana kusoo baxay Senatorada kala ah:

1-Cabdi Xaashi Cabdullaahi

2- Saalax Axmed Jaamac

3- Prof.Cabdi Ismaaciil Samatar

4- Cismaan Abokor Dubbe

5- Layla Axmed Ismaaciil

6- Bilaal idiris Cabdullaahi

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor