RW Rooble oo war kasoo saaray booqashadiisii Magaalada Balcad

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa war kasoo saaray socdaalkiisii uu maanta ku tagay Magaalada Balcad ee Gobolka Shabbeellaha dhexe, halkaasi oo uu wali ku sugan yahay, isaga iyo wafdigii uu hoggaaminayay.

Rooble ayaa Bulshada iyo Maamulka Magaalada waxaa uu kaga mahadceliyay sida diirran ee loogu soo dhaweeyay Degmada.

Qoraal uu soo saaray ayuu sheegay in Bulshada Magaalada ay heellanyihiin nabadda, dowladnimada iyo horumarinta deegaannadooda, waxaana sidoo kale uu si gaar ah u bogaadiyay odayaashii iyo guddigii isu xilqaamay badbaadinta Warshaddii Dharka ee Balcad,taasi oo ku taalla Magaalada Balcad ee uu ku sugan yahay RW Rooble.

“Waxaan bulshada Balcad, maamulkooda iyo madaxweynaha Hirshabeelle uga mahadcelinayaa soo dhaweynta diirran. Booqashadeydii maanta waxaa iiga baxay sida bulshada Balcad ugu heellanyihiin nabadda, dowladnimada iyo horumarinta deegaannadooda.Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa odayadii iyo guddigii isu xilqaamay badbaadinta Warshaddii Dharka ee Balcad” ayuu yiri RW Rooble.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa  xarigga ka jaray dhagax dhigga dugsiga beeraha ee Balcald oo muhiimad gaar ah u leh magaaladan caanka ku ah waxsoosaarka beeraha, isagoo sidoo kale kulamo la leh waxgaardka iyo qabaha kala duwan ee Bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya maxamed Xuseen Rooble ayaa horay u sheegay in uu safaro ku kala bixin doono Magaalooyinka dalka, gaar ahaan magaalooyinka loo asteeyay in ay ka dhacaan doorashooyinka Golaha Shacabka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor