RW Rooble oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta Calanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Ummadda Somaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta calankeenna ee 12ka October oo ku beegan maanta oo kale 67 sano ka hor.

Ra’iisul Wasaaraha oo soo saaray qoraal ayaa waxaa uu sheegay in maalintaan qiimaha badan uu umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayo, waxaana sidoo kale uu umadda Soomaaliyeed meelalba oo ay joogaan uu u rajeeyay nabad waarta.

“Waxaan Ummadda Somaaliyeed ugu hambalyeynayaa maalinta calankeenna ee 12ka October oo ku beegan maanta oo kale 67 sano ka hor. Calankeenna ha sarreeyo, gobannimada Soomaaliyeed ha waarto. Gallad waxaan u haynaa geesiyadii u soo halgamay difaaca Calanka iyo Ciidda.” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Maanta oo ay Taariikhdu ku tahay tahay 12Ka October ayaa waxaa ay ku began tahay 67 sano guuradii kasoo wareegatay Calanka Soomaaliyeed, waxaana 12-kii October sanadkii 1954-tii ay aheyd markii ugu horreeysay ee la saaray Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor