RW Rooble oo soo saaray Amar ku socda Puntland, Jubbaland iyo Hirshabeelle

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa boggaadiyey Guddiyada doorashooyinka heer Federal , Guddiyada doorashooyinka  Somaliland, Galmudug iyo Koofur Galbeed oo si rasmi ah u bilaabay doorashooyinka Golaha  Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa uu faray Guddiyada maamulka doorashooyinka ee Puntland, Jubaland iyo Hirshabelle in ay si dhaqso ah u bilaabaan qabashada doorashooyinka Golaha Shacabka si doorashada loogu soo gabagabeeyo waqtiga loo cayimay ka hor dhammaadka 2021 ka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku amray Guddiyada doorashooyinka in ay ilaaliyaan madaxbanaanidooda una hoggaansamaan xeerarka iyo Habraacyada doorashooyinka ee ku cad heshiisyadii 17 September iyo kowdii Oktobar 2020,  27-kii May iyo 24 August 2021.

“Hufnaanta Doorashada waxay muhiim u tahay in doorashada u dhacdo si nabadgelyo ah iyo in xilliga kala guurka ahi uu noqdo mid looga gudbo si xasiIlooni ah” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Maxamed Xuseen Rooble.

Waxaa intaas lagu sii daray War-saxaafadeedka lasoo saaray “Shacabka Soomaaliyeed waxa ay isha ku hayaan hufnaanta doorashada oo saldhig u ah xasilloonida dalka, sidaas darteed Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku adkeynayaa guddiyada doorashooyinka in ay arrintan iska saaraan mas’uuliyad iyo taxadar dheeri ah.”

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka Codsaday Madaxda dowladaha Xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya in ay guddiyada doorashooyinka u fududeeyaan gudashada waajibaadkooda kuna dhiirigeliyaan guddiyada in ay si madaxbannaan oo hufan u  fuliyaan howlaha doorashada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor