RW Rooble oo shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa  guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo looga hadlay qodobbo ay ka mid yihiin Amniga dalka, dardargelinta iyo hufnaanta doorashooyinka, diyaargarowga shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee 27-ka December ka dhici doona Muqdisho, wadashaqeynta hay’adaha dowladda  iyo Gurmadka abaaraha.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixiyay shirka Gollaha Wasiirrada ayaa sharaxaad ka bixiyay wixii maanta looga hadlay.

“Xaaladda Caafimaad ee soo laba kacleeyay oo heerkiisa seddexaad ee nasoo gaaray COVID-19 qeebtiisa Omicron waxaana leesla qaatay in guddiyadii Xukuumadda oo kashaqeyn jiray COVID-19  in dib lasoo celiyo si ay u qabsadaan shaqadooda, shirka Xoogiisa waxaa looga hadlay  Amniga dalka, dardargelinta iyo hufnaanta doorashooyinka, diyaargarowga shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee 27-ka December ” ayuu yiri Wasiir Dube.