RW Rooble oo shir deg deg isugu yeeray guddiga doorashooyinka gobollada Waqooyi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta soo gabagabeeyay wadatashiyadii uu la lahaa Guddoomiyaha Aqalka Sare M Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ee xal u helista doorashada hoggaanka Guddiga doorashada Gobollada Woqooyi.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shir deg deg ah bari isugu yeeray guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi, isagoo sheegay in la guddo galo doorashadii Labada Aqal.

“Xafiiska Ra’iisul Waraaraha JFS waxa uu farayaa Dhamaan Xubnaha Guddiga Maamulka Doorashooyinka Somaliland in aad kasoo qayb gashaan kulan muhiim ah oo uu idinku yeedhay Ra’iisul Waraaraha Maxamed Xuseen Rooble oo kana dhacaya xafiiska Ra’iisul Waraaraha maalinta salaasada 03-08-2021 saacada markay tahay 11:00, waxa la idinku adkaynayaa iyo qaybgalka ilaalinta waqtiga” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxday Xafiiska RW Rooble.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor