RW Rooble oo qaabilay Safiirrada 15-ka dal ee xubno ka ah G/Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta qaabilay Safiirrada 15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika.

Mas’uuliyiinta soo gaaray Muqdisho ayaa waxaa hoggaaminaya Danjire Maxamed Gad  iyagoo ka wada hadlay howlaha Ciidammada nabad ilaalinta AMISOM ee Somalia iyo xoojinta Iskaashiga DFS iyo Midowga Afrika.

Shalay ayay ahayd markii Muqdisho ay soo gaareen Saraakiil ka socda Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (AU-PSC).

Waxaana Soomaaliya ku yimaadeen booqasho saddex maalmood qaadaneysa, iyagoo kulan la yeelan doona saraakiil sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kooxaha bulshada rayidka iyo wakiillada saaxiibbada caalamka.