RW Rooble oo mar kale la kulmay Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta mar kale la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

RW Roobe ayaa horay waxaa uu ka sugayay Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed xal ay heshiis ku yihiin labadoodu oo ku aaddan khilaafka doorashada guddoonka Guddiga Doorashada Gobollada Woqooyi.

Ugu dambeyntii kulanka kadib Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday in la siiyo muddo hal maalin ah, codsigaas oo uu Ra’iisul Wasaaruhu ka aqbalay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor