RW Rooble oo Magacaabay guddi fulinaya wareegtadii kasoo baxday Farmaajo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa magacabay gudiga fulinta wareegtadii madaxweynaha ee ilaalinta dhulka danta guud.

Guddiga Fulinta ee uu Ra’iisal wasaare Rooble uu magacaabay ayaa ka kooban afar Wasiir oo ka tirsan golaha wasiirada XFS, waxa ayna kala yihiin.

Wasiirka Arimaha: Gen. Mukhtaar Gudadaha Gudoomiye

Wasiirka Cadaaladda: Cabduqaadir Maxamed Nur

Wasiirka Amniga: Cabdulaahi Maxamed Nur

Wasiirka Waxbarashada: Cabdulaahi Carab

Madaxweyne Farmaajo ayaa horay wareegto uu soo saaray waxaa uu digiin ugu diray shaqsiyaad uu sheegay in ay boob ku hayaan dhul danguud ah, waxaana sidoo kale uu intaa ku daray in aan marnaba la aqbali doonin in dano shaqsi ah loo isticmaalo dhul danguud ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor