RW Rooble oo la kulmay mid ka mid ah Musharixiinta Madaxweynaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ahna Musharrax Xuseen Maxamed Caydiid.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Musharrax Xuseen Maxamed Caydiid ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, waxaaana ay si gaar ah diiradda u saareen qabsoomidda doorasho nabdoon oo daah furan, ilaalinta dowladnimada, xasilloonida iyo Nabadda dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa horay kulamo kaal duwan ula qaatay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta u taagan Qabashada xilka Madaxweynaha, waxaana uu horay u sheegay in xafiiskiisu uu u furan yahay qof waliba oo ka shaqaynaya danaha umadda Soomaaliyeed.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor