RW Rooble oo kusoo laabtay Muqdisho Baaqna u diray Maamul Goboleedyada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada London ee Caasimadda dalka Ingiriiska ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay socdaalkii uu ku tegay London, isagoona sheegay in dalka Ingiriiska uu uga qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee sara u qaadista tayada Waxbarashada Carruurta.

Waxaa uu sheegay Rooble in Shirkii Waxbarashada ay ku casuumeen Ururka GPE oo dowladda Federaalka Soomaaliya ka taageera Waxbarashada, isla markaana inta uu socday Shirka ay qeyb weyn ka qaateen, uun kusoo dhammaaday guul.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in kulamo uu la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson iyo Xoghayaha Arimaha Dibadda ee dalka Dominic Raab, iyagoona ka wada hadlay doorashooyinka dalka, amniga iyo tababarada Ciidamada.

Dhinaca kale Rooble ayaa Madaxda dowlad-goboleedyada dalka ku boorriyay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan qabashada doorashooyinka labada aqal Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, xili Jubbaland ay bilowday doorashada Aqalka Sare.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor