RW Rooble oo kulan la yeeshay wafdiga ka socda DFS ee ku sugan Magaalada Hague

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga kulan kula yeeshay wefdi ka socda dowladda Federaalka oo ku sugan Magaalada Hague ee dalka Nederland.

Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, iyagoona ka qeyb galaya go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ ee kiiska dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa wafdiga ka socda dowladda ku dhiirrigeliyay ka qeyb galka fadhiga Maxkamadda, isagoo guul u rajeeyay Ummadda Soomaaliyeed, xili go’aanka Maxkamadda ICJ la wada sugayo.

Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ ayaa Go’aankeeda kama dambeynta ah ee kiiska badda ku dhawaaqti doonto 12-ka bishan Oktoober oo ku beegan maalinta talaadada ah ee soo socota.

Dowladda kenya ayaa maalmo ka hor sheegtay in aysan aqoonsan doonin go’aan kasta oo ka soo baxa Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ, isla markaana aysan u hoggaansami dooninka Go’aanka Maxkamadda kasoo bixi doona.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor