RW Rooble oo kulan la yeeshay Nicolas Berlanga iyo Ergayga gaarka ee Norway

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Nicolas Berlanga ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo Arrimaha doorashooyinka ee maalmaha soo socda si rasmi ah u bilaaban doona.

Wakiilka Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku boggaadiyay dadaalkiisa ku aadan hirgelinta doorasho heshiis lagu wada yahay oo si xor iyo xalaal ah uga dhacda gudaha dalka.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa isla Maanta kulan gaar la yeeshay Ergayga gaarka ah ee Norway Heidi Elburgi Johansen oo booqsho ku timid Magaalada Caasimaddav ah ee Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha doorashooyinka dalka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaare Rooble, waxaana Rooble uu Heidi Elburgi Johansen Warbixin ka siiyay doorashada lagu heshiiyay ee maalmaha soo socda bilaabanaya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor