RW Rooble oo kulan la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Musharixiinta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee xilka kaga horreeyay  Xasan Cali Khayre.

Kulanka masuuliyiinta ayaa daba socday Shirka Golaha Wadatashiga qaran, waxaana diiradda lagu saaaray kulanka hirgelinta heshiiskii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran iyo dhammeystirka doorashooyinka.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee xilka kaga horreeyay  Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale looga hadlay dardargalinta arrimaha doorashooyinka iyo sidii loo dhaqan galin lahaa, waxyaabihii kasoo baxay shirkii muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

Waxaa shalay galab Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir maalmihii lasoo dhaafay u socday Golaha wadatashiga qaran ee hoggaanka uu u hayo RW Rooble, waxaana sidoo kale shirkaasi lag tala galiyay midowga musharixiinta,kuwaasi oo wakiilo u dirsaday Shirka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor