RW Rooble oo kulan la qaatay Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan gaar ah la qaatay Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland, kuwaasi oo ku howlan soo xulista xildhibaanada Gobolada Waqooyi kasoo galaya Dowladda Federaalka.

Kulanka ayaa waxaa si wadajir ah uga qayb galay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen  Rooble, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guled Khadar iyo Guddiga Doorashooyinka Somaliland.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa si weyn diiradda loogu saaray qabashada doorashada Aqalka Sare  ee Gobollada Woqooyi, waxaana sidoo kale laga wada hadlay sidii loo dardar galin lahaa arrimaha doorashooyinka ee dhanka Xildhibaanada ka imaanaya Somaliland.

Kulanka kadib waxaa warbaahinta la hadlay RW ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, waxaana uu shegay in kulanka maanta ay kaga hadleen qabashada doorashada Aqalka Sare  ee Gobollada Woqooyi.

Mahdi Guuleed waxaa uu intaasi ku daray in Doorashada Gobolada Waqooyi si toos ah loo guda gali doono Todobaadka soo socda, iyadoo ay hadda si hab sami leh u socoto soo xulista xubnaha u tartamaya kuraasta Aqalka sare, ee ka imaanaya Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Horay waxaa heshiis looga gaaray khilaafkii u dhexeyay Mahdi Mxamed Guuleed iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi, iyadoo la mideeyay labadii dhinac ee kala taabacsanaa Guddoomiyaha Aqalka sare iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, waxaana la isla qaatay in Guddi la isla qaato, waxaana tallaabadaasi soodhaweyay RW Rooble iyo xubno ka mid ah Midowga Musharixinta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor