Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo kulan degdeg ah isugu yeeray laamaha amniga ayaa ka dhageystay warbixin la xiriirta amniga dalka, gaar ahaan Qaraxii ka dhacay xalay ka dhacay Muqdisho oo ay ku dhinteen dhalinyaro Soomaaliyeed oo waxba galabsan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeeyey laamaha ammaanka in ay waajib ku tahay ilaalinta nafta iyo maalka bulshada, iyagoona sii xoojinaya dadaallada ay ku sugayaan amniga caasimadda.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka dhegaystay Wasiiradda Amniga iyo Taliska Ciidanka Xoogga dalka warbixinno la xiriira amniga iyo howgallada lagu xoojinayo, isagoo faray in la sii dardargeliyo si aysan Al-shabaab ug afaa’iideysan.
Masuuliyiinta ayaa la wadaagay Ra’iisul Wasaaraha Gurmadka Caafimaad ee loo fidideyey dhaawacyadii qaraxii naf-hallignimada ahaa iyo dadaalkii ballaarnaa ee lagu bixiyay sidii loogu heli lahaa gargaar caafimaad oo dhammeystiran.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Alle uga baryey in uu caafimaad degdeg ah siiyo dhammaan dadkii ku dhaawacmay falkan wuxuushnimada ah ee ay geysteen Al-shabaab, isaga oo sidoo kalena janno iyo naxariis ugu duceeyey dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ku shahiiday, ehelkoodana uga tacsiyeeyey.