RW Rooble oo kulan Albaabadu u xiran yihiin la’leh mid ka mid ah Musharixiinta Mucaaradka ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hadda kulan albaabadu u xiran yihiin waxaa uu hoygiisa kula leeyahay mid ka mid ah xubnaha mushariixnta Mucaaradka ah ee kasoo hor jeeda Madaxweyne farmaajo.

Warar hoose oo aan helnay ayaa tibaaxaya in Rooble iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame uu  shir uga socdo hoyga Ra’iisul Wasaaraha, waxaana xusid mudan in shirku  yahay mid xasaasi ah oo ay albaabadu u xiranyihiin.

Ra’isul wasaare Maxamed Xsueen Rooble iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa waxaa ka dhex qarxay khilaafkii ugu xoogganaa ee labada mas’uul isaga hor yimaadaan tan iyo markii xilka loo magacaabay Maxamed Xuseen Rooble.

Waxaana xalay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed farmaajo uu wareegto Madaxweyne ku hakiyay Heshiisyada xukuumadda, balse waxaa xigtay in uu si kulul kaga hadlay arrintaasi RW Maxamed Xuseen Rooble.

War kasoo baxay Xafiiska RW Rooble ayaa waxaa si kulul looga hadlay arrintaasi, waxaana war-murtiyeed laga soo saaray Xafiiska RW Rooble lagu sheegay in hay’adaha xukuumadda ay sii Wadan doonaan howlahooda, aysana istaagi doonin dhammaan shaqooyinka xukuumadda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor