RW Rooble oo ku wajahan Garoowe iyo ujeedka socdaalkiisa

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ku wajahan Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamul Goboleedka Puntland, waxaana Socdaalka uu Garoowe ku tagayo uu hordhac u yahay socdaalo uu ku bixin doono Degaanno ka tirsan Puntland iyo Gobolada kale ee dalka.

Waxaa socda qaban-qaabada socdaalka Ra’iisul wasaare Rooble ee ku tagayo degaanada Puntland, waxaana socdaalkisa ku weheliya Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

U jeedka Safarka Ra’iisul wasaraaha yaa ah sidii uu u xalin lahaa khilaafka ka dhex taagan Maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, waxaana wararku intaas ay ku darayaan in Rooble uu doonayo in uu isku soo dhaweeyo Musharixiinta Mucaaradka ah iyo Dowladda dhexe.

Xiiriirka ka dhexeeya Dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa ah mid aan wanaagsanayn, waxaana jira Khilaf xooggan oo labada dhinac  u dhexeeya, iyadoo ay xusid mudan tahay si weyn la isugu khilaafsan yahay arrimaha doorashooyinka iyo Ciidankii ay dowladdu gaysay Gobolka Gedo.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media