RW Rooble oo ku wajahan Cadaado iyo bulshada Degmada oo diiday inay soodhaweeyaan

Ra’iisul Wsaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mxaamed Xuseen Rooble iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan Magalada Cdaaado ee Gobolka Galgaduud.

Rooble oo socdaallo kala duwan ku maraya Galmudug ayaa la filayaa in uu dhawaan gaaro Cadaado, waxaana socdaalkiisa ku weheliya Madaxxweynaah maamulkaasi Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Ra’isul Wasaare Rooble ayaa Xalay ilaa saakoa kulamo kala duwan la lahaa Odayaasha dhaqanka iyo  waxgaradka  Caabud-waaq.

Maamulka Degmada Cadaado aaya ku hwolan soodhweynta Wafdiga kusoo wajahan, waxaana  RW Rooble uu ka amba-bixi doonaa Magaalada Caabud-waaq ee waqooyiga Gobolka Galgaduud, halkaasi oo uu kulamo kala duwan ka waday tan iyo xalay.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in shacabka ku nool Magaalada cadado ay diideen soodhaweynta Ra’iisul Wasaaraha iyo Qoorqoor, iaydoo la sheegay in Maamulka degmada uu wado dadaalo la doonayo in bulshadu ay soo dhaweeyaan Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul wasaare maxamed Xuseen rooble ayaa socdaal ku bixinaya Golada dalka, waxaana horay uu u gaaray Maamulka Puntland, isagoo halkaasi kulamo kala duwan lasoo qaatay Madaxweyne Deni iyo bulshada ku nool Caasimadda maamulkaasi ee garoowe, waxaana  wali socada socdaalkiisu uu ku marayo Galmudug.