RW Rooble oo ka hadlay Qarax ka dhacay Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay Qarax Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho oo  khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah gaystay.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa ku dhintay dad shacab ah, waxaana fuliyay Qof isku soo xiray waxyaabaah qarxa, kaasi oo isku qarxiyay Maqaayad lagu Magacaabo Gelato Divino  oo ahayd mid aad u mashquul badan goorta u qaraxu dhacayay.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u tacsiyeeyay dadkii ku dhintay Qaraxaasi ismiidaaminta ah, waxaana uu Alle uga baryay in uu si deg deg ah u bogsiiyo inta ku dhaawacan tay.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada dadkii ku dhintay qaraxii argagixisadu caawa la beegsadeen maqaaxi ay dad  shacab ahi ku sugnaayeen magaalada Muqdisho. Eebbe ha u naxariisto intii dhimatay, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo. Waa in aan u midownaa la dagaallanka argagixisada si aan dalkeenna iyo dadkeenna uga badbaadinno” ayuu RW Rooble.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media