RW Rooble oo ka hadlay Doorashadii Aqalka Sare ee Somaliland ee lasoo gaba-gabeeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo u diray Senatarodii Maanta lagu doortay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, kuwaasi oo kamid noqonaya Aqalka Sare.

Ra’iisul Wasaare Rooble aya Qoraal goor dhow soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay inuu ku faraxsan yahay sida ay kusoo dhammaatay doorashadii kuraasta Gobolada Waqooyi ee Somaliland oo Maanta lasoo gaba-gabeeyay.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta ayaa hambalyo iyo boggaadin u jeediyay ergooyinkii wax doortay iyo Guddiyada doorashada ee  sida hufan ee xilkasnimada leh u maamulay doorashadii kuraasta Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Xarunta Teendhada Afisyooni ayaa waxaa Maanta ka dhacday doorashada shan kursi oo ka harsaneyd kuraasta Gobolada Waqooyi,  isla markaana waxaa ku tartamay Musharaxiin dhowr oo qaarkood ku fadhiyey kuraas, waxaana la doortay Senatoradan:

1-Saciid  Cabdi Xasan

2- Naciimo Xasan Xaaji

3- Axmed Maxamed Saciid

4- Axmed Ibraahim Maxamed

5- Deeqa Xasan Xuseen

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor