RW Rooble oo ka hadlay bilaabida Bixinta shahaaddooyinka Xildhibaannada Cusub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay bilaashada bixinta shahaaddooyinka Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Qoraal kooban soo saaray ayaa waxaa uu Guddiga ugu hambalyeeyay bilaabida bixinta Shahaaddooyinka Xildhibaannada la soo doortay ee Baarlamaanka 11aad ee dalka.

Rooble ayaa waxaa uu ku boggaadiyey Xildhibaannadii u horreeyay ee maanta qaatay shahaaddooyinka Baarlamaanka Jamhuuriyadda, wuxuuna u rajeeyay in howsha shahaaddo siinta iyo dhaarinta xildhibaannadu ku soo idlaato ka hor xilligii loo asteeyay.

“Waxaan bogaadinayaa xildhibaannadii u horreeyay ee maanta qaatay shahaaddooyinka, anigoo rajeynaya in howsha shahaaddo siinta iyo dhaarinta xildhibaannadu ku soo idlaato ka hor xilligii loo asteeyay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa Maanta oo sabti ah bilaabay shahaado siinta Xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, ee lagu soo doortay Goboleedyada iyo Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Muuse Geelle Yuusuf ayaa Xilhibaankii ugu horreeyay siiyay shahaadada Xildhibaannimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda, kaasi oo noqday Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) oo kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP#108.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor